Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo danjire Mr. Staffan Tillander? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi.

Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa caawa la kulmay qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan oo xilal sare ka soo qabtay Puntland, horeyna u ahaa taliyihii ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

“Waxaan caawa la kulmay qoyskii uu ka geeriyooday ILAAHAY ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan, waxaan mar kale uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid, taasoo dhammaanteen ina wada taabatay, marxuum Gen. Khaliif wuxuu ahaa walaal inagu weyn oo dalka iyo dadkaba u soo shaqeeyay, waxaan alle uga baryayaa inuu jannadii geeyo, Aamiin” ayuu yiri Deni  oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nicos Nouris oo ka jawaabay eedeyn dhowaan ka soo yeertay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Masuuliyiin ka socota Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jaamacadda Jazeera oo soo kordhisay koorsooyin caafimaad oo heer caalami ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---