Taliyaha ciidamada Itoobiya, Jen. Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.
Ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysa sheegashada Taliyaha ma jirto, iyadoo xoogagga Tigray aysan iyaguna weli dhinacooda ka hadlin hadalka taliyaha.
Sidoo kale, qoraal uu goor dhow soo saaray RW abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Makelle, ayna raadinayaan haatan hogaamiyeyaashii TPLF.
Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle.
Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa farriin qoraaleed ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada Mekelle ay ku socoto “duqeyn culus”. Waxa uu sheegay in milatariga Ethiopia ay madaafiic u adeegsanaya weerarka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com