Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe “Doorasho kuma dhaceyso sida ay maanta tahay & nooca afduub ee socda”

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudadne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Axmed Madoobe oo shir jaraaid ku qabtay Madaxtooyada Kismaayo ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaadadeed ee dalka, Xaaladda gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dhammaan ka baxday heshiisyadda lagu gaaray Muqdisho ee ku aadaneyd doorashooyinka dadban ee dalka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ciidamo Jabhadeed ka sameysay gobolka Gedo oo ka mid ah maamulka Jubbaland, isla markaana uusan guddi soo magacaabi Karin, maadaama dowladda dhexe ka baxday heshiiskii ahaa in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo gobolkaasi.

Axmed Madoobe ayuu shuruud ku xiray in Magaalada Garbahaarey ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna xusay in halkaas doorashada ka dhici karto oo kaliya markii laga saaro Ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa uu walaac xooggan leh ka muujiyay doorashada Soomaaliya oo uu sheegay in dalka uu khalalaase qarka u saaran yahay haddii aan wax laga qabana ay xaaladu sii xumaan doonto.

“Doorasho kuma dhici karto sida ay maanta tahay iyo nooca afduub ee xaalku yahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo dhinaca kale soo soo dhaweeyay go’aanmadii kasoo baxay golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka tacsiyadeeyey Dhalinyaradii xalay ku dhamaatay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Marxuum C/llaahi Shigshigow oo ka mid ahaa ganacsatada Jubbaland kaasoo maalmo ka hor magaalada Kismaayo lagu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo Baaq xasaasi ah oo ka dhan ah Isreal u diray Dunidda Islaamka

Cabdi Cade

Rasaas wali ka socota Hotelka Xayaat iyo Meydadka dad uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee …

Cabdi Cade

Mareykanka oo digniin culus u diray Muwaadiniintiisa caalamka ku baahsan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---