Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad uu Xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda taasi oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fadraalka ah Wasiiro hore Xildhibaano iyo Safiiro.
Waxaa halkaas ka Hadlay Gudoomiyaha Gudiga Arimaha dibadda ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Xildhibaan Biixi Cige.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada Cusub ee loo igmaday.
Wasiiraka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay inuu sii amba qaadayo shaqada Wasaardda Hogaankeeda uu qabtay.
Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble fursadda ay u siiyeen inuu hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo carabaabay rajada uu ka qabo inuu guulo waa weyn ka gaaro geedi socodkiisa uu ugu adeegayo si daacadnimo oo nafhurnimo leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com