Garoonka ku yaalla Magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa waxaa ka furmay tartan Kubada Cagta ah oo lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 12 kooxood oo Soomaali ah.
Tartankan oo ah mid aad u xiise badan oo la qabto sanad kasta marka la soo gaaro bisha Ramadaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ugandha, iyadoo kooxaha ka qeyb galaya loo qeybiyey illaa saddex Guruub oo midkiiba ay ku jiraan afar kooxood.
Ciyaar ka tirsaneyd tartankan oo galabta ka dhacday magaalada Kambala ayaa waxay dhexmartay kooxda Kubada Cagta allbanaadir iyo koox ku ciyaareysay magaca Liverpol oo ku wada jira Guruubka (B).
Dadweyne fara badan ayaa soo buuxiyey garoonka, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar nadiif ah oo aad qurux badan taasoo ay jecleysteen dadkii u soo daawashada tegay, waxaana ciyaartaas ay 3-0 guushu ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca Allbanaadir.
Madaxa Wakaaladda Wararka Allbanaadir Mudane Cabdiraxman Macalin Xuseen ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay daawashada ciyaartan isagoo u hambalyeeyey kooxda Allbanaadir guusha ay ka gaartay ciyaarta galabta, wuxuuna u rajeeyey iney natiijo fiican ka galaan tartankan.
“Koox ku ciyaareysay magaca Banaadir ayaan u qeybinay labiskii ay kaga qeyb geli lahaayeen tartankan oo lagu qoray magaca allbanaadir.com, ujeedaduna waxay aheyd inaan ku dhiirigelino dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel Ciyaaraha” ayuu yiri Madaxa Wakaaladda Wararka Allbanaadir Mudane Cabdiraxman Macalin Xuseen oo u mahad celiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala oo tartankan soo agaaimay.
Cabdiraxman Macalin Xuseen ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhamaan kooxaha ka qeyb galaya tartankan iney soo bandhigaan ciyaaro farsameysan inta uu tartankan socdo, ayna isla ilaaliyaan waxyaabaha carqaladeynaya habsami u socodka tartanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com