Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Itoobiya oo Duqeyn iyo Weerar culus ku qaaday Magaalada Makelle 

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa bilaabay duulaan culus ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Makelle oo ah caasimada maamulka Tigrey halkaas ay gacanta ku hayaan ciidamo daacad u ah Xisbiga TPLF.

Milatariga Itoobiya oo ku sugnaa hareeraha magaalada Makelle ayaa maanta duqeyn culus ku bilaabay gudaha magaalada gaar ahaan goobo bartilmaameed ah, waxa ayna ciidamada doonayaan in gudaha u galaan magaaladaasi.

Hogaamiyaha Maamulka Tigrey sidoo kale higaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle duqayn culus ay ku socoto.

Afhayeenka xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum, ayaa sheegay in ciidamada milatariga aysan duqeeneyn goobaha ay shacabka joogaan, waxa uuna xusay in ciidamada ka digtoon yihiin waxyeeleynta shacabka ku sugan magaalada Makelle.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horey u shaaciyay in ciidamada qaadayaan howlgalkii ugu dambeeyay ee ku doonayaan in ay kula wareegaan caasimada maamulka Tigrey si ay usoo afjaraan awooda xisbiga TPLF ee dagaalka kula jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro & Xildhibaano gaaray degmada Belad Xaawo oo ay ka jirto xiisada derbiga Kenya

Caydiid Ali

Cudurka COVID-19 oo ka sii yaraanaya koonfurta Soomaaliya, & dhinaca Somaliland oo..

Caydiid Ali

DEG DEG: Rasaas culus oo laga maqlayo xero ciidanka Milateriga ku leeyihiin Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---