Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaradii lagu laayay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho oo la aasay

Waxaa maanta qabuuro kuyaala Isbitaalka Xooga ee Degmada Hodan lagu aasay 8-dhalinyaro ah oo kamid aheyd dadkii xalay ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday maqaayada Gelato Divino ee Muqdisho.

Aaskan dhalinyaradan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya, ehelada dhalinyarada la dilay iyo dad kale oo aad uga murugeesnaa dhalinyaradaasi xalay la gumaaday.

Dadkii kala duwanaa ee ka hadlay qabuuraha aaska loogu sameenayay dalinyaradan qaraxa lagu dilay ayaa wajiyadooda laga dheehan karay murugada iyo xanuunka uu ku reebay qaraxii xalay ay ku waayeen dad badan oo ehelkooda iyo asxaabtooda ah.

Qaraxii xalay ka dhacay Gelato Divino oo ahaa mid uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa noloshooda ku waayeen dhalinyaro u badnaa kuwa wax bartay iyo kuwa qurbaha ka yimid oo hami fog ka lahaa nolosha balse waqtigooda intaa ku ekaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Soomaali ah oo Afar jeer Qaab adoonimo ah loogu kala iibsaday dalka Liibiya

Cabdi Cade

Dowlada India oo ka carootay talaabo ay qaaday Xildhibaanad Ilhan Cumar (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo balan uga baxay Qaar kamid ah Musharaxiintii uu la tartamay (Maxaa lagu balamay)

admin
Taboola Ads ---