Allbanaadir.com
NEWS

Dalkii lixaad ee caalamka ka tirsan oo Shacabkiisa ka mamnuucay isticmalka Shiishada

Rwanda ayaa mamnuucay tubaakada biyaha qaada ee ama Shiishada la dhuuqo ayaa waxaa la saadaalinyaa falcelin ka timaada gobolka oo dhan.

Talo bixintii ugu dambeeysay ee ka soo baxday Ururka Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in qiiqa Shiishada oo uu u dhigmo 100 xabo oo sigaar ah.

Rwanda ayaa noqonaysa dalkii ugu dambeyeey ee mamnuuca Shiishada ka dib dalalka Singapore, Saudi Arabia, Jordan, Pakistan iyo dalka Tanzania ee dariska la ah Rwanda.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu ugu daran ee sanadahan dambe sida weyn ay ugu sii faafeysay isticmaalka shiishada oo dhaqaatiirtu ay sida weyn uga digeenb iney caafimaadka waxyeeleyso.

Wasaarada caafimaadka ee xukuumada Somalia iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaan illaa hadda qaadin hanaan looga wacyi gelinayo bulshada dhibaatada ay leedahay shiishada oo dadka qaarkood ayba u heystaan iney faaiido u leedahay Caafimaadka qofka isticmaala, taasoo wax xaqiiqada aad uga fog.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Cali Cali Guudlaawe u maareyn doonaa cadaadiska ay ku heyso Villa Somalia?

Caydiid Ali

DFS oo soo dhaweysay Qaraar uu ansixiyay Baarlamaanka Turkiga

Cabdi Cade

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan oo baaqday iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---