Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhaceen banaan bax weyn oo looga soo horjeedo maamulka cusub ee Hirshabelle uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe.

Dadka banaan baxa dhigayay oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baladweyne ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maamulka cusub ee Hirshabelle iyo hogaanka maamulkaasi ee lagu doortay Jowhar.

Banaan baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay kamid ahaayeen ”Dooni meyno Hirshabelle iyo Dooni meyno Cali Guudlaawe” waxa ayna dadkan muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Hirshabelle.

Sidoo kale dibad baxayaasha ayaa taageero u muujinayay ciidamo maleeshiyo beeleed ah oo isku aruusday duleedka magaalada Baladweyne kuwaa oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle iyo imaatinka Cali Guudlaawe ee magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidanka Yuhuuda oo duqeeyay Gaza ka dib gantaalo lagu weeraray

Caydiid Ali

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---