Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Masuul aan Damqasho iyo Damiir laheyn !!

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu tacsi xitaa u quuri waayay dadkii xalay ku dhamaaday qaraxii ka dhacay Muqdisho.
 
Mahad Salaad ayaa ku sifeeyay Madaxweynaha Soomaaliya hogaamiye aan damqasho iyo damiir naxa lahayn, waxa uuna tilmaamay in uu tacsi u diro dad meelo fog lagu dilo halka kuwa Muqdisho lagu dilana uusan tacsi u quurin.
 
”Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro! Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay ilaa hada Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin” ayuu yiri Xildhibaan Mahad.
 
Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka kunool magaalada Muqdisho isku baheesteen cadaw fara badan oo leh hal u jeedo, balse ku kala duwan magaca iyo wadada loo marayo fulinta ujeedooyinkaasi.
 
Hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Farmaajo uusan wali ka hadlin qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana qaraxaasi Cambaareeyay Ra’isul Wasaare Rooble iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DFS oo wafdi u dirtay Itoobiya kaddib heshiiskii Xasan iyo Abiy

Cabdi Cade

Madaxweynaha dalka Kenya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed bixii ugu weynaa ee ka dhan ah Maraykanka oo ka socda Ciraaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---