Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Itoobiya oo magaalooyin hor leh kala wareegay Xoogaga Tigrey 

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa wali isku dayaya in ay la wareegaan magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay la wareegeen magaalooyin hor leh oo gacanta ugu jiray xoogaga tigrey.

Afhayeen u hadlay dowlada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada federaalka saacadihii lasoo dhaafay dagaal kula wareegeen magaalada Wikro iyo magaalooyin kale oo ku yaala hareeraha caasimada Tigrey.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada federaalka isku dayayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen awooda xoogaga taabacn TPLF ee ka dagaalamaya magaalooyin kale ay ku jirto caasimada gobolka Tigrey.

Ciidamada Itoobiya ayaa qorsheenaya duulaan aad u xoogan in ay ku galaan caasimada gobolka Tigrey ee Makelle, waxa ayna ciidamada hareeraha magaaladaasi geeyeen taangiyo iyo madaafiic aad u culus.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku hanjabay in si deg deg ah loo soo afjari doono kooxda TPLF, waxa uuna sheegay in ciidamada qaadayaan howlgalkii ugu dambeeyay ay kula wareegayaan caasimada Tigrey.

Shacabka kunool magaalada Makelle oo gaaraya haaf malyuun ayaa loogu baaqay in guryahooda joogaan  inta uu howlgalku socdo, waxa ayna shacabka ka cabsi qabaan in waxyeelo xoogan kasoo gaaro dagaalka hadii uu magaalada kusoo fido.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Somaliland oo War ka soo saaray qarax la sheegay inuu ka dhacay Hargeysa

Caydiid Ali

Maxkamada ciidanka DF oo xukuntay Koox ay ku jirto haweenay oo dhac geysatay

Caydiid Ali

Mahadi Guuleed oo isaga tagay Muqdisho iyo Xoggo kasoo baxaya Sababta uu u baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---