Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaraxan ka bad baaday oo lala eegtay masuul katirsanaa dowlada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa miino ayaa lala eegtay gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda magaalada Muqdisho Axmed Washigton oo halkaasi marayay xiliga qaraxa lala eeganayay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka bad baaday maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Washigton, waxaana qaraxa ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaalada maareeyaha .

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka Muqdisho ayaa mudooyinkan soo badanaya, waxaana qaraxyadan la sheegay kaliya in lala eegto gaadiidka ay la socdaan masuuliyiinta iyo kuwa ciidamada iyadoona aysan jirin bartilmaameed rasmi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalkii ugu horeeyey ee ka tirsan Yurub oo ku biiray dacwada Israel kaga furan Maxkamada ICG

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamza oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Cali Muuse Cabdi

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo xeelad cusub u adeegsanaya qaraxyada ay ka geystaan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---