Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray ku weeraray maqaayada Jelato Divino ee kutaala magaalada Muqdisho.
Qaraxan waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo u badnaa dhalinyaro waxbaratay oo caan ahaa, waxaa sidoo kale dadka waxyeelada qaraxa kasoo gaaray kamid ahaa qaar kamid ah shaqaalaha goobta uu qaraxu ka dhacay.
Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in ruuxa qaraxa fuliyay uu beegsaday goob ay fadhiyeen dhalinyaro badan oo asxaab ahaa, waxaana halkaasi ku naf waayay dhalinyaro badan oo wax bartay nolosha hami badan ka lahaa.
Dhalinyarada qaraxa ku dhimatay waxaa ku jiray wiil shalay dalka kusoo laabtay oo safar dibadda ah u maqnaa, waxaa sidoo kale dhalinyarada dhimatay ku jiray kuwa qurbaha ka yimid.
Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan khasaaraha badan geestay, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa ku dileen saraakiil iyo shaqaale dowladeed ay sheegeen in goobta joogeen.
Qaraxyada ay fulinayaan dadka waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xira ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa ayna qaraxyadan dareen cabsi ku beereen goobaha bulshada ku kulanto sida maqaayadaha iyo goobaha lagu shaaho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com