Ruushka oo in mudda ah isha ku hayay xeebaha Geeska Afrika ayaa November 11, 2020 shaaciyay inuu heshiis lagu dhisayo saldhig taakulayn iyo dayactir la gaaray dalka Sudan. Saldhigga oo laga dhisi doono waqooyiga dekedda weyn ee magaalada Port Sudan waxuu hoy u noqon doonaa ilaa 300 shaqaale – askar iyo rayidba leh, iyadoo markiiba ay ku soo xiran karaan ilaa 4 markab oo ah kuwa xambaara gantaallada qumbuladaha “nuclear propulsion system.”
Muddada heshiiska oo 25 sanadood lagu sheegay waxey leedahay fursad lagu kordhin karo ilaa toban sanadood oo dambe. Saldhigga si joogta ah uma fadhin doonaan markiib, balse waxuu noqon doonaa xarunta saadka ee looga adeego maraakiibta Ruushka ee Badda Cas. Ilaa hadda lama oga inteebay baaxada saldhigga sii fidi doontaa mustaqblka.
Marka la eego sida heshiiska loo qaabeyay waxaa muuqata in Sudan laga caawimi doono casriyaynta ciidamada iyadoo la hormarin doono cududda difaaca cirka. Saldhiggu waxuu noqon doonaa goob difaac oo aan looga duuli doonin waddamada kale. Balse waxuu war ka taagan yahay sida Ruushka uu uga qaybgeli doono sugidda nabadgeliyada iyo xasilinta gobolka iyadoo mararka qaarkood uu ku lug leeyahay adeegsiga Georgia, calooshood-ushaqaystayaasha “Wagner group iyo Rossiskie System Bezopasnosti Group” oo ku hawlan burburinta Liibiya.
Dagaalkii Suuriya, wixii ka dambeyay Ruushka waxuu helay wadiiqadii uu boos uga ciriirsan lahaa Afrika, waxuuna noqday dalka ugu hub keenista badan qaaradda, sida uu sheegay machadka Stockholm International Peace Research. Xiisaha Ruushka ee Afrika ma aha keliya mid dhaqaale, ee waxaa jira dano siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeedba. Moscow waxay fursad u heshay inay buuxiso meeshii uu baneeyay Mareykanka.
Warar laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in Ruushka inta uusan Sudan la gelin heshiiska uu ku guul darraystay gorgorton uu la waday Eritrea, Jabuuti iyo Somaliland. Wixii ka dambeyay burburkii Midowga Sofyeeti waxaa muuqatay in Moscow ay dhabarka u rogtay qaaradda Afrika, balse dabeesha waxay isbeddeshay kaddib markii dalalka reer galbeedka ah ay ku soo rogeen cadaadin iyo cunaqabateen dhaqaale oo ay sababeen arrinkii Yukraaniya.
Ujeeddada Ruushku ma cadda mana aha in si joogta ah ciidamadooda loo keenayo qaaradda. Moscow waxay si rasmi ah uga tanaasushay siyaasadii “afgambiga” (awood ku muqiininta nidaamyada dowliga ah), balse kama tanaasulin sii fidinta dhaqammada tuhunka leh sida in qandaraaslayda Ruusku gacan ka geystaan awood ku heynta kalitalisyada, taas oo macnaheedu yahay inay raali ka tahay xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Way adag tahay in quwadaha waaweyn ee isku dul baacsanaya Afrika lagu qiimeeyo danta ay u hayaan qaaradda. Dhibaatada ugu weyn ee qaaradda, gaar ahaan dalalka Geeska haysata ayaa ah iska horimaadka fikirka taageerista kali-talisnimada iyo hammiga dimuqraadiyadda ee uu gobolku horumar ka doonayo.
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com