Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa kasoo baxay kulan dhax maray Abiy iyo Ergo ka socotay Midowga Afrika (Sawirro) 

Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa gaaray ergo ka socotay Midowga Afrika, kuwaa oo halkaas u tagay sidii xal loogu raadin lahaa dagaalka ka socda gobolka Tigrey .

Ergadan ka socotay Midowga Afrika oo ah Madaxweynayaal hore ayaa u tagay Adis Ababa sidii u dhax dhaxaadin lahaayeen Xukuumada uu hogaamiyo Abiy Axmed iyo xoogaga taabacsan TPLF ee dagaalka kula jira ciidamada Federaalka Itoobiya.

Kulanka dhax maray ergadan ka socotay Midowga Afrika iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa looga hadlay xiisada taagan iyo sida xal looga gaari karo, waxaana Abiy la sheegay in ka biyo diiday in wadahadal la furaan xisbiga TPLF ee ka dagaalamaya Tigrey.

War kasoo baxay xafiiska Abiy kulanka kadib ayaa lagu sheegay in Xukuumada Itoobiya ku adkeysatay inay xaqiijineyso ilaalinta shacabka, in la furo marinada gargaarka iyo inay soo dhaweyneyso in qaxootiga u qaxay dhinaca Suudaan dib loogu soo celiyo dalka.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale u sheegay ergada Midowga Afrika uu la kulmay in ciidamada federaalka ay sii wadi doonaan howlgalka lagu soo afjarayo awooda xoogaga taabacsan TPLF.

Ergada Midowga Afrika ee la kulmay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo kala ah Madaxweynayaashii hore ee dalalka Koonfur Afrika, Muzambik iyo Laabeeriya ayaa la sheegay in aysan kulanka uga soo bixin natiijo ay ku howlgali karaan.

Dowlada Itoobiya ayaa horey u sheegtay in aan loo ogolaan doonin in ay tagaan gobolka Tigrey ergada Midowga Afrika u tagay in ay xal u raadiyaan xiisada u dhaxeysa dowlada federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Paris

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada Xildhibaanada Soomaalida Kenya ee lagu xirxiray Nairobi

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo u ogolaatay Safaarad kutaala Muqdisho in ay dhoofsato Sagaaro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---