Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo ku gacan seyray go’aan ka soo baxay Baarlamanka Midowga Yurub

Dawladda Turkiga ayaa ka hor timid go’aan ay soo saareen Baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo ku aadan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus.

Midowga ayaa soo saaray go’aan ay Turkiga ugu sheegayaan inay farahaa kala baxaan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus taasoo uu ka biyo diiday Turkigu.

Afhayeen u hadlay dawladda Turkiga ayaa sheegay in Turkiga aan marnaba loo yeerin doonin danihiisa guud iyo tiisa gaar ahba, Baarlamaanka Midowga Yurubna aysan wax shuqo ah ku lahayn.

Bilihii la soo dhaafay waxaa kasocday Badda Meditarenianka hawlo shidaal baaris ah, taasoo uu waday Turkigu, sidoo kale waxaa ka taagnaa qalalaase arrintan ka dhashay.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Baarlamaanka Midowga Yurub ay u muuqdaan inay ka qarsan yihiin xaqiiqooyin badan, ayna tahay in ay raadiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Shaqaalaha Turkida

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo ka hadlay Xaalada ammaan ee dalka iyo cida dishay Xildhibaan Aamina

Cabdi Cade

Nin dhaliyaro ah oo lagu dilay degmada Guriceel & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---