Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Miino ku aasayey wado ku taalla magaalada Dhuusamareeb oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ayaa sheegay iney qabteen nin miino ku aasayey Magaalada Dhusamareeb.

Qoraal ka soo baxay  Wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan oo ahaa Miino la qabtay Nin ku Aasayay hareeraha wado dhex-marta Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Suuqa jaadka lagu iibiyo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Ninkii miinada aasayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay  in qaar kamid ah Haweenka jaadka iibinayay ay arkeen Ninka miinada Aasayay sidaasina ay Ciidamada ugu wargeliyeen, waxaana Ninka la qabtay la geeyay xarun Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb.

“Ciidanka Amaanka Magaalada Dhusamareeb ee caasimada Galmudug oo kaashanaya shacabka ayaa ku jira heegan si ay uga hortagaan shirqoolada Kooxda Nabadiidka Ah ee Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo diiday qaar ka mid ah qodobadii ay soo saareen ururada Siyaasada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada Israel oo Gaza ku qaaday Weerar Dhulka ah

Cabdi Cade

Mahrajaan Cajiib ah oo lagu soo bandhigay magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---