Ruushka ayaa markii u horeysay ka hadlay wadahadaladii socon waayey ee dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Ergada Ruushka u fadhida QM ayaa war ay soo saareen ku bogaadiyey horumarka ay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamul goboleedyada ka gaartay doorashooyinka soo socda.
“Waxaa Muhiim ah in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka ergada Ruushka.
Waxaa Ruushku ku baaqay in deg deg ah loo bilaabo wada-hadaladaasi, si xal looga gaaro tabashada Somaliland iyo arrimaha kale ee dhex yaalla labada dhinac.
“Waan bogaadinaynaa Wadahadalka siyaasasdeed ee u dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ee la xiriira arrimaha Doorashooyinka” ayaa sidoo kale qoraalkaas lagu sheegay.
Ruushka ayaan looga baran 30kii sano la soo dhaafay inuu door weyn ku yeesho ama ka hadlo xaaladaha ka jira Somalia oo inta badan dalalka reer galbeedku faraha kula jiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com