Allbanaadir.com
NEWS

Kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ka dhacay Xalane & RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay Sidii looga hortagi lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo Argagaxisada.

Kulanka oo diiradda lagu saaray sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada iyo argagaxisada, ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka Sweden ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota wadamada Ingiriiska iyo Norway, xariiriyaha Barnaamijka kahor tagga fikirka Xajirinimada ah, xubna ka socda maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka Gobalka Benadir.

Intii uu socday kulanka waxaa leesla gartay in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada kasoo laabata fikirka Xag-jirnimada ee ay marin habaabiyeen kooxaha Argagaxisada ah, si looga saaro fikirkaas oo dhaqanka wanaagsan dib loogu toosiyo.

Culimada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay dowr muhiim ah ka qaataan la dagaalanka Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo argagaxisada oo ay bulshada Soomaaliyeed si qorta dheer uga wacyi geliyaan maadaama fikirku uu ka fogyahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay muhiim tahay in ay ogaadaan oo ay la socdaan goobaha caruurtoodu ay waxbarashada u doontaantaan si looga fogaado in Fikirka Xag-jirka ah uu bulshada ku dhex faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay askarigii Mareykanka ahaa ee u baxsaday W/Kuuriya

Caydiid Ali

Xuska maalinta aasaaska Midawga Yurub oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---