Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahad Salaad: “Cumarow qoriga dabka ah ee Farmaajo kuu soo dhiibay adiga haku guban”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia ayaa  ka jawaabay hadal maanta ka soo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta iyo musharaxiinta shirku uga socday Muqdisho ee maanta soo soo saaray War murtiyeedka

Cumar Filish oo ka hadlayey kulan lagu taageerayey DF oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay iney magacowdo guddiga doorashooyinka, isagoo xusay iney la dagaalami doonaan cidii isku dayda iney qalalaase abuurto, isagoo soo daliishadey aayad quraan ah.

Mahad Salaad oo ka jawaabaya qoraalka Farmaajo ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga jawaabayo hadalka Cumar Filish kaasoo sidan u qornaa:-

Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!

Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi!

Mahad Salaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo Deyn hor leh ka dalbanaya Shiinaha kaddib hakad galay mashaariicdii…

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray xarunta Golaha Wakiiladda Puntland ( Sawirro)

Cabdi Cade

Amaanka xarumaha Dowlada ee kuyaala Muqdisho oo la adkeeyay iyo Shaqaalaha oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---