Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lagu weeraray Markab ku sugnaa deked ku taalla xeebaha Sacuudiga (Sawirro)

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Qarax xooggan oo Arbacadii ruxay Markab saliidda qaada oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Greece, kaasoo ku xirnaa dekedda Shuqaiq ee dalka Sacuudi Carabiya.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa weerarkan ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee ay taageerto Iran.

Sida ay sheegtay shirkadda Greek ee TMS ee maamusha, Markab Agrari oo sita calanka dalka Malta ayaa waxaa weeraray koox aan la garaneyn isagoo isku diyaarinaya inuu ka shareecdo dekedda Badda Cas ku taalla ee Shuqaiq.

Shirkadda waxay sheegtay in wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah aysan ka dhalan weerarka. Markabka ayaa waxaa saarnaa 25 shaqaale oo toddoba ka mid ah ay u dhasheen dalka Greece.

Markabka ma sidin wax saliid ah markii uu weerarka dhacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Greece. Waxaana socda baaritaan ay mas’uuliyiinta Sacuudiga ku sameynayaan dhacdadan, inkasta oo ay ku eedeeyen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer ka fuliyey dalka Sacuudiga weeraro khasaare xooggan gaystay, ayaga oo sanadkii tegay weeraray xarumaha shidaalka laga soo saaro ee gudaha sacuudiga ku yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Somalia oo qabatay Guddoonka Golaha Guddiyada Doorashooyinka Carbeed

Caydiid Ali

(Sawirro) Laftagareen oo lagu hor dhaariyey Wasiiradii uu dhowaan Magacaabay

Caydiid Ali

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo War-saxafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---