Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Geelle oo ka cabsi qaba in lasoo doorto Xildhibaano Al Shabaab maamulaan

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in cabsi badan ka qabaan in doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya kusoo baxaan Xildhibaano si dadban u maamulaan kooxda Al Shabaab.

Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Jabuuti ayuu ku sheegay in doorashada Xildhibaanada Soomaaliya kusoo bixi karaan Xildhibaano Al Shabaab si dadban u maamumaan maadaama uu xusay in ay iibsan karaan taageerada Xildhibaanada.

”Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Walaaca Madaxwenaha Jabuuti ka qabo in doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Musharaxiinta u tartamaya kursiga Xildhibaan kaliya ay ka xigto inta badan in dhaqaalo ku bixiyaan ergada wax dooraneysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo ka hadashay caqabada heysata Shirkii lagu balansanaa Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor arrimo kala duwan kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo 12-sanno kaddib safiir u magacaaby dal Carbeed oo ay horey xiriirka ugu jareen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---