Waxaa goordhaw Hotelka Jaziira lagu soo gabo gabeeyay shirkii magaalada Muqdisho maalmahan uga socday qaar badan oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya .
Shirkan ayaana laga soo saaray War murtiyeed looga hadlayay doorashada Soomaaliya iyo walaaca ay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ka qabaan guddiga doorashada ee u badan taageerayaasha Farmaajo iyo ciidanka NISA.
War Murtiyeedka shirka kasoo baxay ayaa Musharaxiinta Madaxweynaha ku dalbadeen in lagu kala diro Guddiga doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, waxa ayna ku baaqeen in lasoo magacaabo guddiyo wada ogol ah .
Musharaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in Gudoomiyaha aqalka sare isagu soo magacaabo guddiyada doorashada ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ,sidoo kale doorashada Xildhibaanada Waqooti lagu qabto xerada afisiyooni iyada oo goob joog ka yihiin Musharaxiinta , Beesha Caalamka iyo hay’addaha amaanka.
Halkan ka Akhriso War Murtiyeedka Shirka laga soo saaray
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com