Gabar Soomaaliyeed oo kunool dalka Mareykanka ayaa sanado kadib ku dhawaaqday in gabi ahaan joojisay ka qeyb galka tartamada fashion-ka iyo sidoo kale xayeesiimaha dharka loo sameeyo.
Xaliima Aadan oo kamid aheyd Soomaalida qaxootiga ee laga qaaday xerada Kaakuma ee dalka Kenya ayaa gudaha Mareykanka caan ka noqotay kadib markii ay ka qeyb gashay tartamo dhinaca Fashon-ka ah iyo xayeesinta dharka.
Gabadhan ayaa sheegtay in hada go’aansatay in gabi ahaan joojiso ka qeyb galka tartamada dhinaca fashion-ka iyo xayeesinta ,waxa ayna xustay in ay ogaatay in waxa ay sameeneyso meel ku dhac ku yahay diinta Islaamka ayna mararka qaar dukan jirin salaada
Xaliimo oo noqotay gabadhii ugu horeesay oo xijaab kusoo bandhigta fashionka gudaha Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay nafteeda ku dhaliileyso in ay hilmaantay waxa uu u horseedayo fashion-ka ay xooga saartay .
Gabadshan Soomaaliyeed ee caanka ka noqotay gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in marar badan hooyadeed ka codsaday in ay isaga harto fashin-ka iyo xayeesiimaha dharka, waxa ayna sheegtay in hada guuleesatay ayna qaadatay go’aan ay uga hartay arimahaasi.
“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo kana haro xirfadan,” ayay barteeda Twitter ku qortay Xaliimo.
Xaliima Aadan oo hada ka hartay mihnadeedi hore ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, walow aysan tartankaasi ku guuleesan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com