Warbaahinta ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in sargaal sare oo katirsan ciidamada CIA-da dalka Mareykanka lagu dilay howlgal gaar ah oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.
Sargaalkan oon magaciisa iyo xogtiisa aan la shaacin ayaa Wargaeyska New Yourk Times ku waramay in uu u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray isbuucii hore, mana sheegin Wargeyska goobta sargaalkan kusoo dhaawacmay.
Wargeysaka ayaa xusay in sargaalkan loo sameyn doono xus balaaran, waxa uuna tilmaamay in sargaalka la dilay uu mudo kusoo jiray howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Mareykanka ugu yeeraan argagaxisada.
Hay’adad Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa ka gaabsatay in ay faah faahin ka bixiso geerida sargaalkan katirsanaa, waxaana loo badinayaa in sargaalkan ku dhintay dagaal ay la galeen kooxda Al Shabaab.
Ciidamada Mareyanka ee jooga Soomaaliya ayaa garab ku siiya ciidamada dowlada howlgalada gaadmada ah ee laga fuliyo goobo ay joogaan Al Shabaab, waxa ayna inta badan howlgaladaasi ka dhacaan deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com