Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee Muqdisho shirka uga socdo maalintii 5aad ayaa wali wada kulamo ay uga hadlayaan doorashooyinka iyo cabasho ay ka qabaan guddiyada doorashada loo xilsaaray ee ay Magacwaday dowladda federaalka.
Xubnaha musharixiinta ayaa maanta si gaar ah uga hadlay maqaamka Muqdisho, arrimaha dastuurka iyo amniga iyagoo sheegay in dowladda ku fashilantay arimahan iyo in dalka ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Xilli hore ee maanta musharixiinta ayaa kulan gaar ah la qaatay warbaahinta madaxa banaan iyagoo kala hadlay xaalada dalka marayo iyo doorka Warbaahinta kaga aadan.
Shirkan ayaa lagu wadaa in la soo gebogabeeyo gelinka hore ee maalinta berri ah iyadoo la filayo in laga soo saaro War-murtiyeed.
Musharixiinta mucaaradka ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u diidan guddiyada doorashada iyo kan xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer maamul goboleed oo ay ku tilmaamen inay ku jiraan shaqaale ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan Nabad sugida.
Shirka ayaa inta uu socday waxaa ka qeyb galay dhinacyada kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada, urrurada bulshada rayidka, siyaasiyiinta iyo xubnaha beesha caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com