Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka u dhashay dalka Kenya ee jooga Soomaaliya oo la shaaciyay

Safaarada dalka Kenya ku leedahay Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dadka u dhashay dalkaasi ee Soomaaliya jooga, waxaana Safaarada sheegtay in Kenyanka ugu badan ee Soomaaliya jooga ku sugan yihiin magaalada Hargeysa.

Safiirka Kenya u fadhiya dalka Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sheegay in magaalooyin kuyaala Soomaaliya joogaan in ka badan 35-kun oo Kenyan ah kuwaa uu sheegay in ay hayaan shaqooyin kala duwan.

Waxa uu sheegay Safiirka in Soomaaliya noqotay dalka ugu badan ee Afrika kuyaala ee joogaan Muwaadiniinta Kenyanka, waxa uuna xusay in dadkan u joogaan ganacsi iyo shaqooin kale.

”Qurbo joogta ugu badan ee Kenya ee kunool Afrika waxa ay joogaan Soomaaliya, waxaa hada Soomaaliya jooga oo shaqooyin ka haya 35-kun oo Kenyan ah, Kenyanka Soomaaliya jooga 18 kun kamid ah waxay ku nool yihiin Hargeysa,10,kun waxa ay joogaan Jubaland iyo 3,kun oo ku nool Muqdisho iyo deegaano kale” Ayuu yiri Lucas Tumbo .

Dadka Kenya u dhashay ee Soomaaliya jooga ayaa isugu jira kuwa u shaqeeya Hay’ado , Shirkado iyo Jaamacado, waxaa sidoo kale jira dhalinyaro badan oo Soomaali Kenyan ah oo iyana ka shaqeeya xafiisyada dowlada iyo maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan shaaciyay Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ka leeyahay shirka uu iclaamiyay

Cabdi Cade

Dowlad ugu Hanjabtay muwaadiniinta taga Soomaaliya Ganaax lacageed iyo Xabsi !

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---