Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Banaadir oo beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada

Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyey warar maalmihii la soo dhaafay laga faafiyay oo sheegayay in Xaruntooda laga jartay korontada markii ay bixin waayeen kharashka biilashii lagu soo dalacay.

Afhayeenka maamulka Gobolka Salaax Xasan Cumar Saalax Dheere oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay wararkaas.

Waxaa uu warbaahinta ugu baaqay inay ka fogaadaan wararka la been abuuray ee ay faafinayaan, ayna iska hubiyaan waxyaabaha ay bulshada u gudbinayaan.

Saalax Dheere ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka ku soo wajahan dalka iyo sida uu Maamulka gobolka Banaadir ugu diyaar garoobay.

“Musharax kasta oo u tartamaya Doorashada waxaa u furan inuu ku soo bandhigto Magaalada Muqdisho ololihiisa Doorashada, waddooyinkana ku dhegsan karaan Boorarkooda, Maamulka Gobolka Banaadir wax shuruud ah kuma xiri doono” ayuu yiri Saalax dheere.

Afhayeenka ayaa in Maamulka Gobolka uusan aqbali doonin in caasimadda dalka ee Muqdisho laga abuuro xaalad siyaasadeed oo sababi karta qalalaase iyo amni daro, wuxuuna Musharaxiinta iyo dadka ololaha u wada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga guud khal khal ku abuuri kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in la bedelo Taliska Nabad Sugida

Cabdi Cade

Meydadka ragii shalay weerarka ka geestay Muqdisho oo wali yaala goobtii lagu dilay

Cabdi Cade

Dhul-gariir Khasaare xoogan geystay oo ku dhuftay Jasiirada Sulawesi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---