Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay xaafada Taleex ee degmada Hodan waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cumar Cabdi ,waxaana ninkan la dilay xalay xili uu ku fiidsanayay meel aan ka fogeyn guriga uu degnaa oo kuyaala xaafada Taleex.
Warbaahinta afka Al Shabaab wax ku baahisa ayaa qortay in ninkan uu kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana dilka kadib goobtaasi ka baxsaday ragii dilka fuliyay.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaan wali ka hadlin ninkan Muqdisho lagu dilay oo la sheegay in uu katirsanaa Xafiiska R/Wasaare Kheyre, waxa uuna dilkan qeyb ka noqonaya dilalka qorsheesan ee Muqdisho ka dhaca.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii badanaya dilalka qorsheesan ee inta badan loo geesto dadka u shaqeeya dowlada , waxaana dilalkaasi qaarkood masuuliyadooda sheegta Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com