Allbanaadir.com
NEWS

Askari Hooyadiis iyo xubno kale oo Qoyskiisa kamid ah ku laayay Muqdisho

Waxaa xalay xaafada Cali Kamiin ee degmada Warta Nabada ka dhacday arin murugo iyo uur kutaalo ku beertay dad badan oo halkaasi kunool , kadib markii askari katirsanaa ciidanka dowlada ku laayay xubno badan oo kamid ah qoyskiisa.

Askarigan oo la sheegay in uu cabsanaa ayaa xalay bambaano ku weeraray qoyskiisa oo la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyay, waxa uuna goobtaasi ku laayay xubno badan oo qoyskiisa kamid ahaa oo guriga ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa bambada askarigan ku tuuray guriga qoyskiisa ku geeriyooday lix qof oo isugu jiray Hooyadiis, walaalihiis iyo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dhoor qof oo kale oo qoyskiisa kamid ahaa.

Dhacdadan ayaana murugo iyo uurkutaalo ku beertay ehelada qoyska mashaqadan ku dhamaaday , waxaana saakay guriga falkan ka dhacay isugu tagay dad badan oo ka naxsanaa falkan argagaxa leh ee xalay dhacay.

Isbitaalka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa lagu daweenayaa qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkan bambaano uu xalay askariga ku laayay xubno badan oo kamid ahaa qoyskiisa.

Askariga falkan argagaxa leh geestay ayaa isaga naftiisa ku dhaawacmay weerarka oo qoyskiisa ku qaaday, waxaana askariga isaga oo dhaawac ah gacanta ku haya ciidamada amaanka Soomaaliya.

Dhacdadan ayaan anoqoneysa tii ugu xumeyd ee ka dhacda magaalada Muqdisho uu ruux ku laayo qoyskiisa, waxaana arintan sabab looga dhigayaa dadka aan asluubta laheyn oo maandooriyaha cuna oo hadana lagu daro askarta dowlada.

Related posts

Kooxo hubeysan oo dilay Axmed Tahliil iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkaasi

Cabdi Cade

Waare & Wakiilada beesha caalamka oo ka wada hadlay afar qodob (Akhriso)

Caydiid Ali

Milateriga Sudan oo ka hor yimid talaabo ay maagan tahay dowlada Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---