Shirka Hotelka Jaziira uga socda qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta lasoo gaba gabeeyo lagana soo saaro War Murtiyeed.
Waxaa maanta shirka kusoo biiray kana qeyb galay Culumaa’udiin, Ganacsato iyo Haween kuwaa oo laga tala galiyay shirkan u socday Musharaxiinta iyo sidoo kale walaaca ay ka qabaan doorasho aan xalaal aheyn oo dalka ka dhacda.
Sida aan wararka ku helnay shirka ayaa galabta waxaa kusoo biiri doona kana qeyb galaya wakiilo ka tirsan beesha Caalamka, waxa ayna wakiiladan shirka uga qeyb gali doonaan aalada Zoomka ee la iska arko.
Wakiilada beesha Caalamka ayaa la filayaa in dhankooda ka hadlaan walaaca musharaxiinta Madaxweyne ka qabaan guddiyada doorashada ee la magacaabay oo u badan taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil Nabad sugida katirsan.
Shirkan oo iska bedelay sidii uu markii hore ku bilowday lana balaariyay ayaa waxaa shalay iyo xalay ka qeyb galay gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwaa oo dhageestay walaaca ay qabaan musharaxiinta Madaxweyne.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com