Allbanaadir.com
NEWS

Gen. Khaliif Ciise Mudan oo Turkiga ku geeriyooday iyo War laga soo saaray Geeridioisa

Ilaah ha u naxariistee waxaa maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Gen. Khaliif Ciise Mudan oo katirsanaan jiray ciidanka Cirka Soomaaliya sidoo kale soo noqday Wasiirkii Amniga maamul goboleedka Puntland.
War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa looga tacsiyadeeyay geerida Gen. Khaliif Ciise Mudan oo hada ahaa lataliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Halkan ka Akhriso Qoraal Madaxtooyada Puntland kasoo saartay Geerida Jen Khaliif
Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey dalka Turkiga.
 
Alle ha u naxariistee Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, waxa uu kasoo noqday Puntland Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.
 
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxa uu Alle SWC uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntlandba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre: “Aragti qabiil laguma wajihi karo damaca Itoobiya”

Caydiid Ali

Sidee looga hortagi karaa qaraxyada & shaqsiyaadka qaraxyada ximbaarsan ?

admin

Daawo Sawirada: Qaabkii ay ciidanka Milatariga usoo bandhigeen Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade