Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) .
Shariif ayaa u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ah nin dhalinyaro ah, waxaana dhawaan la filayaa in labada masuul xilka isku wareejiyaan.
Dhinaca kale Wareegto kale oo kasoo baxday Shariif Xasan ayaa loogu magacaabay Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) in uu noqdo Wasiiru-Dowladaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Halkan ka Akhriso labada Digreeto
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com