Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo taageeray Howlgalka ciidamada Itoobiya ka wadaan Tigrey

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kulan aan la shaacin la qaatay la taliyaha amniga Qaranka dowlada Itoobiya Gedu Andargacho, ayaa taageeray howlgalka milatari ee ka socda gobolka Tigrey.

Farmaajo iyo Gedu Andargacho ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku yeeshay kulan laga qariyay Warbaahinta, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimaha amaanka labada dal iyo howlgalka milatari ee ka socda gobolka Tigrey ee Itoobiya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaludin ayaa sheegay in La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo kawada hadleyn howlgalka sharciga ee ka socda gobolka Tigrey .

Waxa uu sidoo kale Jamaludin sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay taageero iyo midnimo howlgalka ciidamada federaalka dalka Itoobiya ka wadaan ismaamulka Tigrey ee kuyaala Waqooyiga dalka Itoobiya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin kulankan dhax maray Farmaajo iyo Gedu, waxaana dhawaan dowlada Soomaaliya xilka ka qaaday Wasiirka arimaha dibadda kadib markii Itoobiya ugu baaqay in wadahadal la gasho maamulka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Masuul uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Caydiid Ali

Qarax lala eegtay Kolonyo gelbineysay taliyaha ciidanka Dhulka DF Jen. Biixi

Caydiid Ali

Al-shabaab oo laga saaray wado soo gasha Muqdisho & Abaanduulaha XDS oo ka hadlay

Caydiid Ali