Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu horkacayo raisul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Col. Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdiga raisul wasaaraha masuuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed oo uu horkacayo madaxweynaha maamulkaas C/casiis laftagareen iyo dadweyne fara badan.

Amniga magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo jidadka lagu xardhay boorar waaweyn oo lagu dhejiyey sawirka Raisul Wasaaraha, waxaana si weyn magaalada looga dareemayaa qaban-qaabada booqashada RW.

Rooble ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo kulamo la yeelan doona madaxda dowlad goboleedka K/galbeed, saraakiisha AMISOM iyo qeybaha bulshada.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in booqashada Rooble ku tegay Baydhabo ay la xiriirto arrimaha doorashooyinka dalka ku soo wajahan, waana safarkiisii ugu horeeyey ee RW ku tago gobolada dalka tan iyo markii dhowaan loo magacabay xilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo u dhoofay Talyaaniga kaddib casuumad uu helay

Cabdi Cade

Matteo Messina oo gacanta lagu dhigay ka dib soddon sano oo la baadi goobayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Britain oo dad Soomaali ah u Tarxiileysa dalal kale oo Afrikaan ah & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---