Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu musharax Cabdikariin Guuleed kala hadlay Mursal iyo Cabdi Xaashi?

C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa kulamo kala gooni ah la qaatay Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Xaalada Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka oo xilligan lagu muransan yahay ayaa ka mid ah waxyaabaha uu Guuleed kala hadlay labada gudoon ee baarlamanka.

Warar ku dhow ku dhow kulamadan ayaa sheegaya C/kariin Guuleed uu Mursal iyo Cabdi Xaashi kala hadlay baahida loo qabo in la helo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo Guddiyada doorashada lagu soo xulo qaab wadar ogol ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa muujiyey in loo baahan yahay talo, wadahadal iyo isu tanaasul, si loo helo xasillooni Siyaasadeed, isagoo xusay in madaxda DF laga doonayo iney u dhego nuglaadaan talooyinka musharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo beri yeelanaya kulan shaki badan uu ka taagan yahay

Caydiid Ali

Burcad sidii Dumarka usoo labistay oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Madaxweyne Erdogan iyo xaaskiisa laga helay cudurka COVID-19?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---