Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Itoobiya oo xoogaga TPLF ka qabsaday Magaalo kale oo Istaraatiiji ah

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ka dagaalamaya woqooyiga  Tigray ay magaalada Adigrat ka qabsadeen xoogaga TPLF.

Maamulka TPLF ee gobolka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaalada Adigrat.

Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo nabad raadin dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo.

Xukuumadda ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaan waxba ka soo qaadin dedaalka dhexdhexaadinta ah, waxayna intaas ku dartay iney ka go’an tahay in dagaalku sii socdo.

Jimcihii ayey aheyd markii dowladda sheegtay inay ciidamadeeda la wareegeen magaalooyinka Aksum iyo Adwa waxaana aad u adag in la xaqiijiyo wararkaas maadaama ay go’an tahay isgaarsiinta gobolkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo dowlad oo ka arinsaday sida Al Shabaab looga soo bad baadin karo labo Dhaqtar oo …

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Daru-salaam (Sawirro)

Caydiid Ali

Jabuuti oo Shaacisay in ay masaafurin doonaan in ka badan 3,000 qof oo ay xireen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---