Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo safarkiisii ugu horeeyey ku tagaya gobolada dalka

Raiisul Wasaaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinta Beri ah ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbeed.

Amniga magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo jidadka lagu xardhay boorar waaweyn oo lagu dhejiyey sawirka Raisul Wasaaraha, waxaana si weyn magaalada looga dareemayaa qaban-qaabada booqashada RW.

Rooble ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo kulamo la yeelan doona madaxda dowlad goboleedka K/galbeed, saraakiisha AMISOM iyo qeybaha bulshada.

Lama ujeedka booqashada Raisul Wasaaraha inkastoo wararka qaarkood sheegayaan iney la xiriirto arrimaha doorashooyinka dalka ku soo wajahan, waana safarkiisii ugu horeeyey RW ku tago gobolada dalka tan iyo markii dhowaan loo magacabay xilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

AMISOM oo weji cusub la soo baxday & Masuul kale oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay rag dhibaato geesanayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Nin caan ka ah Baraha Bulshada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---