Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo sidoo kale musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay howga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana kulanka ka qeyb galay Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.
Sida aan wararka ku helnay kulanka dhax maray Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre oo ahaa mid kooban ayey uga wada hadleyn shir la filayo in beri magaalada Muqdisho uga furmayo musharaxiinta mucaaradka ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii ay meel uga soo wada horjeesan lahaayeen in dalka ka dhacdo doorasho aan raali laga wada aheyn una jan jeera dhinac iyo sidii looga shaqeyn lahaa in la bedelo guddiga doorashada oo dhinac u raran.
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishoi ayaa durba bilaabay kulamo siyaasadeed iyo sidoo kale olole xoogan, waxa uuna Kheyre maanta ka digay in dalka ka dhacdo doorasho aan wada ogol aheyn.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa intooda badan kasoo horjeeda in dalka ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo ay garwadeyn ka yihiin guddiga doorashada ee magacaaban kuwaa oo la sheegay in ay u badan yihiin NISA iyo taageerayaasha Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com