Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: TPLF oo mar kale Gantaallo ku garaacday xarunta gobolka..

Sida ay ku warrantay warbaahinta Itoobiya Gantaallo ayaa xalay lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray,

Waa markii labaad oo gantaallo lala beegsado Bahirdar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaallada ka qarxeen Tigray.

Warbaahinta gobolka waxay ku warrantay in gantaallada ay soo tuureen dagaalyahanada TPLF

Waxaa lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada.

TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xamaas oo dagaalyahano cusub gelisay Israel iyo dagaalka oo sii kululaaday

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi ka kooban 13-Xubnood (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo qabtay Shabakad la sheegay in Al Shabaab katirsan yihiin (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---