Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mike Pompeo oo sameeyey xad gudub ay ku dhiiran waayeen Madaxda Maraykanka (Sawirro)

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa shalay oo khamiis ah  noqday diblamaasigi ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda dhulka ay Israel heysato ee Daanta Galbeed.

Pompeo ayaa tagay xaafado ay Israel ka sameysay deegaameyn oo ay hadda ku noolyihiin qoysas Israa’iiliyiin ah. Sidoo kale waxa uu booqan doonaa Buuraleyda Golan Heights, oo ah dhul istaraatiiji ah oo ay Israel ka qabsatay Suuriya, sannadki 1967-kii.

Madaxweyne Trump ayaa Golan Heights sannadki hore u aqoonsaday dhul ay Israel leedahay, taasoo ay cambaareeyeen bulshada caalamka.

Heysashada Israel ee Daanta Galbeed, ayay Falastiiniyiinta iyo bulshada caalamka u arkaan xadgudub lagu xadgudbay Qaanuunka Caalamiga ah, sidoo kale waxaa loo arkaa caqabada ugu weyn ee ku hor-gudban nabad ka laga dhex-dhaliyo Israil iyo Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ku hoos jira burburka gurigii ku dumay X/Weyne iyo gurmad soconaya (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Taliban oo si adag uga ka hor-timi qaraar ay iska kaashadeen in ka badan 90 waddan

Cabdi Cade

Somaliland oo amaro yaab leh ku soo rogtay Culimada ka wacdiya Masaajidada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---