Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Ciise Cawad oo iska diiday xil safiirnimo oo loo Magacaabay (Akhriso qoraal)

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa ku gacan seyray xil safiirnimo oo loo magacaabay ka dib markii caawa xilka looga qaaday wareegto ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha Somalia.

Cawad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn qabashada xil safiir iyo mid kale toona.

“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cawad.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa la rumeysan yahay inuu eersdaday qoraal uu soo dhigay bogga Twitterka ee Wasaarada arrimaha dibeda Somalia kaasoo uu ku taageeray howlgalka Dowlada Itoobiya ka wado gobolka Tigray.

Qeybta hore ee qoraalka ayaa wanaagsaneyd, balse Dowlada Itoobiya ayaa ka carootay qeyb kale oo ka mid aheyd qoraalka taasoo loogu baaqayey dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya iney khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo soo bandhigtay Todobo qodob oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade

Maroodi ku nool dalka India oo lagu arkay mucsijo aan horey loo arag (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Dhac Nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Muqdisho iyo Walaac xoogan oo laga muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---