Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka arrimaha dibeda, mid cusubna Magacaabay

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasoo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka mudane Axmed Ciise Cawad oo xilka laga qaaday.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad inkastoo aan la sheegin safaarada loo magacaabay.

Xil ka qaadista Wasiir Cawad ayey warar lagu kalsoon yahay sheegayan iney la xiriirto muran ka dhashay warqad shalay lasoo dhigay barta twitter-ka ee Wasaaradda oo dowladda Ethiopia looga taageeray dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray, warqaddaas oo markii dambe bogga laga saaray.

LA SOCO FAAHFAAHINTA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari fal argagax lahaa ka geestay Muqdisho oo la xiray lagana ruqseeyay shaqada

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Cali Cumar Tawakal iyo dad kale oo lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---