Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa walaac xoogan ka muujisay deegaano hor leh oo maamulka Israa’iil deegaano cusub uga sameesaneyso magaalada ay xooga ku heestaan ee Qudus.
War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin deegaanada hor leh oo maamulka Israa’iil doonayo in ay sameestaan magaalada Qudus.
“Wasaaradda waxay xaqiijineysaa in boqortooyada Sacuudiga ay cambaareyneyso islamarkaana diidan tahay tallaabadan, oo jebineysa qaraarada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.
Boqortyooyada Sacuudiga ayaana talaabadan cusub ee qaaday Israa’iil ku tilmaamay mid jabinaya qaraarada caalamiga ah sidoo kale wax u dhimaya dadaalada nabada ee Bariga Dhaxe.
Israa’iil ayaa Axaddii u dhaqaaqday qorshe deegaameyn ah, taasi oo lagu qeexay mid la dedejinayo, kahor inta uusan maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee Joe Biden uusan talada la wareegin, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka hor-yimaado.
Talaabadan maamulka Israa’iil qaaday ayaa kusoo aadaya xili Dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, iyo Sudan heshiisyo ay xiriir diblomaasiyadeed kula yeelanayaan la galeen maamulka Israa’iil oo wali ku howlan dhul boob.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com