Allbanaadir.com
NEWS

Xog ku aadan Waxyaabihii ay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Xasan Sheekh ayaa si gaar ah loogu lafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wadar-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug walaaca ay ka qabaan guddiga doorashada uu sheegay in ay u badan yihiin kuwa aan lagu kalsoonaan karin oo laga soo xulay NISA iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo

Qoor Qoor ayaana dhankiisa u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in guddiga uu soo magacaabay ay yihiin kuwa rabitaankiisa ku yimid, waxa uuna u balan qaaday in uu ka shaqeyn doono dhax dhaxaadnimo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulamo siyaasadeed kawada magaalada Muqdisho, waxa uuna horey ula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay kawada hadleen doorashooyinka iyo arimo kale.

Qoor Qoor ayaa xiligan cadaadis xoogan kala kulmay Hogaamiyaasha Mucaaradka iyo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya qaarkood kadib markii uu soo magacaabay guddi doorasho oo u badan Nabad sugid iyo taageerayaasha Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweynihii hore ee Kenya oo goor dhow geeriyooday, isagoo 94 sano jir ah

Caydiid Ali

Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Khayber dalka Pakistan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo iskuul ku leysay dad 100 ka badan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---