Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo War cad kasoo saartay dagaalka xoogan ee ka socda Dalka Itoobiya

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay ka hadashay dagaalka xoogan ee ka socda dalka Itoobiya una dhaxeeya ciidamada dowlada Federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigrey.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xoogan looga muujiyay dagaalka ka socda gobolka Tigrey, waxa ayna Dowlada Soomaaliya ku baaqday in dagaalka lagu dhameeyo wadahadal.

Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in taageereyso u heyso midnimada Itoobiya  waxaana qoraalka sidoo kale lagu sheegay in DF taageereyso sidii loo soo afjari lahaa colaada ka aloosan gobolka Tigrey.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Itoobiya, waxayna ku baaqeysaa in wada hadal lagu dhammeeyo is afgaranwaaga ka dhex jira Itoobiya. Soomaaliya, deris ahaan iyo saaxiib ahaanba waxay diyaar u yihiin inay ku bixiyaan taageero buuxda baadi goobka loogu jiro soo afjaridda xaaladda hadda ka taagan Itoobiya.”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada arimaha dibadda.

War saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo tabarucaadka wadajirka ah iyadoo la higsanayo yoolka guud ee nabadda iyo amniga.

”Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa midnimada ay la leedahay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuurka, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Itoobiya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigrey , waxaana Ra’isyul Wasaare Abiy horey uga biyo diiday in wadahadal la galo maamulka Tigrey uu ku eedeeyay in xasuuq geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun dil ah oo lagu riday askari dil geestay oo dalka Dibadiisa laga soo qabtay

Cabdi Cade

Muhaajiriin ku xayirnaa Markab dushiisa oo loo ogolaaday in ay kasoo degaan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muqdisho iyo Dooxa oo la mataaneenayo iyo Heshiis laga gaaray (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---