Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Booliiska oo la wareegay Gaari ciidan oo ay isticmaali jireen Ilaalada Mahdi Guuleed

Sida aan ka ogaannay ilo wareedyo amni oo xog ogaal ah, taliska Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan ciidamada la howl gala saldhigga Kaaraan ayaa gacanta ku dhigaan laga gaari oo kala ah Cabdibile iyo Qooqan oo qaad si dhuumeeleysi ah kusoo gelinayay magaalada Muqdisho.

Cabdibilaha ayaa waxaa lahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), hase yeeshee gaariga kale ayey wararku sheegayaan inuu lahaa xoghayaha taliyaha Booliiska dalka.

Ilaha aan warkaan kasoo xigannay ayaa sheegaya in taliyaha ilaalada Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uu markii uu maqlay in gaarigii gacanta looga dhigay uu degdeg ku gaaray saldhigga Kaaraan, hase yeeshee taliyaha Booliiska gobalka Banaadir uu markii la ogeysiiyay in labada gaari lagu hayo saldhigga Kaaraan uu amray in Cabdibilaha la siiyo saldhigga Hiliwaa, gaariga kale ee Qooqanta ahna ay la haraan saldhigga Kaaraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u mamnuucday in Qaadka Kenya dalka lasoo geliyo, hase yeeshee qaadka ayaa doomo lagu keenaa xeebaha caasimadda, waxaana kadib magaalada si dhuumaaleysi ah kusoo geliya ciidamo iyo gaadiid ay leeyihiin mas’uuliiin dowladda ka tirsan.

Lama oga in Mahdi Guuleed uu bixiyay amarka ciidankiisa iyo gaarigiisa ay qaadka sida sharci darrada ah ugu soo gelinayeen magaalada Muqdisho iyo inay aheyd markii ugu horreyay ee ay ka qeyb qaataan qorshaha qaadka mamnuuca ah lagu keenayo caasimadda, hase yeeshee waxaa marag ma doonto ah inay sumcad darro weyn usoo hoyneyso ku-xigeenka wasiirka koowaad ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay degaan hoos taga degmada Guriceel

Caydiid Ali

Jabhada TPLF oo si adag u beenisay Eedeymo culus oo loo jeediyay

Cabdi Cade

Netanyahu oo doonaya in dib loo dhigo dhageysiga dacwad loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---