Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho oo Jawi siyaasadeed oo xasaasi ah galeysa iyo Musharaxiin kusoo kusoo wajahan !!

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka maqan inta badan siyaasiyiinta saameynta leh ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya , kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay ololahooda ka waday dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Nairobi.

Musharaxiintan ayaa marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho la filayaa in ay yeeshaan shirar iyo kulamo siyaasadeed ay uga arinsanayaan doorashada dalka gaar ahaan sida ay uga soo horjeedaan guddiyada doorasho ee la magacaabay.

Sida aan wararka ku helnay Musharaxiintan ayaa kulamdooda kadib la filayaa in ay qaadacaan kana soo horjeestaan guddiyada doorashada ee hada magacaaban oo la sheegay in ay u badan yihiin Nabad sugid iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay ku dhawaaqaan talaabooyinka ay qaadi doonaan hadii Xukuumada Soomaaliya dhagaha ka fureesato wax ka bedelka guddiga doorashada ee aan dhax dhaxaadka noqon karin.

Magaalada Muqdisho ayaana laga dareemayaa qaban qaabada iyo u diyaar garowga  soo dhaweynta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ee kusoo wajahan maalmaha soo socda magaalada Muqdisho .

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intooda badan qaadacay guddiga doorashada ee la magacaabay , waxa ayna Musharaxiinta sheegeen in aysan ka qeyb galeyn doorasho ay garwadeyn ka yihiin taageerayaasha Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaana isbuuca soo socda geli doonta jawi siyaasadeed iyo shiray ay yeelan doonaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ku ah soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo saakay u duulay Itoobiya iyo ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dowlada Federaalka Gaadiid iyo agab kale ku wareejisay Galmudug (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ilaalo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay weerar ka dhacay xerada Xalane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---