Allbanaadir.com
NEWS

 Imaaradka iyo Sacuudiga oo ku lug yeeshay Faragalinta Doorashadii Mareykanka

Dalalka Imaaradka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku lug yeesheen faragalintii lagu sameeyay doorashadii sanadkii hore ka dhacday dalka Mareykanka uu ku guuleestay Donald Trump.

Wiilka Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa bishii Agoosto 2016 la kulmey xubno ka socday Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta sida uu qoray Wargeyska New York Times, waxaa sidoo kale warkan xaqiijiyay qareenka wiilka Madaxweynaha ee Trump Jr.

Kulankan dhax maray Wiilka Trump iyo xubnaha matalayay Imaaradka iyo Sacuudiga waxaa soo qaban qaabiyay aas aasaha  shirkadda Black Water Mr Erik Prince, waxaana kulan ka qeyb galay George Nader oo u dhashay Lubnan balse heesta dhalashada Mareykanka iyo Joel Zamel oo kasoo jeeda Israil kaas oo leh shirkad khibrad dheer u leh shabakadaha isku xira bulshada ee loo yaqaan Social Media.

Shirkadda uu leeyahay ninka u dhashey Israel ayaa malaayin dollar waxaa ku siiyey dalalka khaliijka sidii ay u sameyn lahayd malaayiin koonto oo been abuur  ah kuwaas oo laga taageerayo Trump oo u samayn lahayd waxa loo yaqaan “manipulation campaign”.

Dalka Mareykanka waxaa laga mamnuucay  sanadkii 1974-tii in dadka ajaaniibta ah maalgaliyaan doorashada dalka Mareykanka, waxaa sidoo kale dalkaasi mamnuuc ka ah in ay qeyb qaataan ajaaniibta ololaha doorashada.

Faragalintii doorashada dalka Mareykanka ayaa markii hore loo heestay dalka Ruushka, waxaana hada soo baxaya in wadamo Khaliijka Carabta kuyaala gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaradka in ay gacan ka geesteen guusha Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) RW Somalia oo la kulmay Richard Moore & Xubno la socday

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400- oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Saciid Deni oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---