Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Hargeysa oo mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow

Maxkamada Racfaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Cisman Aw Maxamud Buurmadow oo horey racfaan uga qaatay Shan sano oo xabsi ah oo lagu riday.

Maxkamada Hargeysa ayaa 26-kii bishii April ku riday 5-sano xabsi ah Boqor Buurmadow oo lagu eedeeyay in uu tagay deegaan katirsan maamulka Puntland sidoo kale jeediyay hadalo aysan jecleysan Maamulka Somaliland.

Maxkamada Racfaan ee magaalada Hargeysa ayaa ku riday 3-sano oo xabsi ah Boqor Buurmadow, waxaana meesha ka baxay xukunkii hore ee shanta sano ahaa ee horey loogu riday Boqor Cusmaan Buurmadow.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Odayaasha, Siyaasiyiinta , Qorayaasha iyo dadka kale ee dhaliila maamulka ama taga Soomaaliya inteeda kale, waxaana dhawaan cafis Madaxweyne lagu sii daayay Gabar qoraa aheyd oo Xukun ku riday Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaasha iyo Bulshada soo xuleysa kuraas lagu dooranayo Galmudug oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wasiir isaga haray Doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose iyo Sababta ka dambeeysa

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo xiray wadaad caan ah oo taageera kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---